Muqdisho 22 December 2025 (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo xirayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maalinta Khamiista oo ku beegan 25-ka Diseembar 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Khamiista aan la oggolaan doonin wax dhaqdhaqaaq duulimaad ah, ha noqdo mid soo degaya ama ka duulaya garoonka, iyadoo tallaabadan lagu sababeeyay baahida loo qabo sugidda amniga iyo hubinta in doorashada si nabadgelyo ah u qabsoonto.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in shirkadaha duulimaadyada horay loo wargeliyay, isla markaana howlaha garoonka ay dib u bilaaban doonaan kaddib marka ay dhammaato doorashada. “Duulimaadyada Garoonka Aadan Cadde waa la xiray sababo la xiriira doorashooyinka deegaanka, mana jirto wax dhaqdhaqaaq ah oo la oggolyahay.” ayaa lagu yiri bayaanka.






