Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo qaabilsan dayactirka diyaaradaha oo laga hirgeliyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA) ee Muqdisho. Xarigjarka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa terminal-ka - Kaargo . Qeybta cusub ee dayactirka ayaa laga filayaa horumarinta kaabayaasha garoonka iyo kordhinta adeegyada muhiimka ah ee diyaaradaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafladda furitaanka ku sheegay in tallaabadani ay tahay mid muhiim ah oo lagu horumarinayo kaabayaasha garoonka, isla markaana lagu xoojinayo adeegyada diyaaradaha ee dalka. Waxa uu tilmaamay in qeybtaan cusub ee dayactirka ay qeyb ka tahay qorsheyaasha dowladda ee lagu hagaajinayo tayada adeegyada duulimaadyada, iyo hubinta amniga iyo tayada duulimaadyada diyaaradaha ee ka hawlgala garoonka.
Xamse Cabdi Barre ayaa intaa ku daray in shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed ay qeyb weyn ka qaadan doonaan qeybaha cusub ee garoonka, isagoo sheegay in 40 ilaa 50 qof oo Soomaali ah ay ka howlgeli doonaan. “Markii aan shirkadaha dadka madaxda u ah la kulannay, hal su’aal ayaan weydiiyay: meeqa qof oo Soomaali ah ayaa ka shaqeyn doona? Waxay sheegeen 40 ilaa 50 qof, markaa waa guul weyn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Dhismaha xarunta cusub waxaa iska kaashaday shirkadda Favori oo maamusha Garoonka Muqdisho iyo ganacsato Soomaaliyeed oo badi isticmaala garoonka.







