Morocc, 20 Nofeembar 2025 — Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Ragga ee Sanadka 2025 ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), taas oo markii ugu horreysay abid loo gudoonsiiyo garsoore Soomaaliyeed.
Xafladda abaalmarinta oo Arbacadii lagu qabtay magaalada Rabat ee dalka Morocco, ayaa Cumar loogu aqoonsaday garsooraha ugu waxqabadka wanaagsan qaaradda sanadka 2025 ee ragga, isaga oo kaga adkaaday labo musharax oo kale oo ka kala socday Koonfur Afrika iyo Mauritius.
Abaalmarintan ayaa dhaliyay hambalyo ballaaran, oo ay direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, iyo masuuliyiin hore oo dalka soo hoggaamiyay. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guusha Cumar ay “muujinayso kartida iyo xirfadda ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.”
“Garsoore Cumar waa astaan muujinaysa kartida, hal-abuurka iyo xirfadda sare ee dhallinyaradeennu leeyihiin.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan.





