Jabuuti, 15 December 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Isniintii ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada safiirada Canada, Switzerland, Indonesia, Mexico, iyo Venezuela, kuwaas oo si rasmi ah u gudbiyay waraaqahooda aqoonsiga.
Safiirrada cusub ayaa kala ah; Safiirka Switzerland Riccarda Chanda, Safiirka Canada Nicolas Simard, Safiirka Indonesia Faizal Chery Sidharta, Safiirka Mexico Alejandro Ives Estivill Castro, iyo Safiirka Venezuela Eddy Jose Cordova.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirradu waxay muujiyeen rabitaankooda ah in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya dalalkooda iyo Jabuuti, iyagoo diiradda saaray dhinacyada amniga, ganacsiga, tamarta, cilmi-baarista, iyo iskaashiga caalamiga ah.






