Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dekedaha dalka iyo aagagga ganacsiga xorta ah ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee kobcinta ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha Jabuuti, isaga oo adkeeyay doorkooda ku aaddan isku xirka ganacsiga gobolka iyo kan caalamka.
Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka sheegay shirweynaha caalamiga ah ee Intermodal Africa 2026 oo ka socda Jabuuti, kaas oo diiradda lagu saarayo dekedaha, saadka iyo aagagga ganacsiga xorta ah.







