Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tacsi u diray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Aal Thaani, dowladda, shacabka iyo qoyska boqortooyada Qatar, kadib geeridii ku timid Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aal Thaani.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Geelle uu murugo ku qaabilay geerida Sheekh Xamad, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye door weyn ka qaatay isbeddelka casriga ah, koboca dhaqaale iyo sare u qaadidda sumcadda Qatar ee heer gobol iyo caalami.
Madaxweynaha ayaa xusay in geerida Amiirkii hore ay saameyn gaar ah ku leedahay shacabka iyo dowladda Jabuuti, maadaama muddadii uu xilka hayay ay si weyn u kobceen xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada dal.
Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, dowladda iyo shacabka Qatar, isagoo mar kale muujiyay garab istaagga Jabuuti ee xilligan murugada leh.