Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka inay sameeyaan isbahaysi dhow oo ay la yeeshaan dowladda, iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay 10-ka Abriil.
Geelle, oo sidoo kale ah musharraxa xisbiga UMP, ayaa hadalkan ka jeediyay kulan olole oo ka dhacay Hoteelka Ayla, halkaas oo uu kula hadlay ganacsato iyo madax ka tirsan Rugta Ganacsiga, isagoo xusay in xoojinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ay muhiim u tahay la tacaalidda caqabadaha dhaqaale ee ka dhalan kara xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhaqaalaha Jabuuti uu ku taagan yahay saldhig adag, isagoo xusay koboc joogto ah, maalgashi muhiim ah iyo xasillooni dhaqaale oo ka dhigaysa dalka meel lagu kalsoon yahay.


