Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar ku siiyay hay’adaha iyo shaqsiyaadka bixiya ama gowraca xoolaha udxiyada inay iska diiwaangeliyaan Waaxda Suuqyada iyo Kawaannada gowraca, si loo ogaado tirada guud ee xoolaha la qalayo ama loo qorsheeyay in la qalo xilliga Carafo, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday Gobolka Banaadir.
Warqadda ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la mamnuucay in xoolaha udxiyada lagu qalo meel ka baxsan kawaannada la oggol yahay.
“Hay’adaha bixiya xilliga carrafada waa inay iska soo diiwaangeliyaan Waaxda Suuqyada iyo Kawaannada gowraca si looga warhaayo tirada xoolaha ay qalayaan ama ay ku talagalsan yihiin,” ayaa lagu yiri warqadda.


