Muqdisho (Dawan ) – Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aan cusub oo mamnuucaya in ardayda ka soo daahda goobaha waxbarashada la ciqaabo iyadoo albaabka laga xirayo. Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi iyo falanqeyn dhinacyo badan leh oo la sameeyay, iyadoo maamulka dugsiyada loo oggolaaday inay dejistaan habraac cusub oo lagu xakameynayo daahitaanka ardayda, balse aan saameyn ku yeelan karin waxbarashadooda.
Agaasimaha Waxbarashada Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xasan, ayaa sheegay in go’aankan cusub uu yahay mid lagu horumarinayo nidaamka waxbarashada iyo ilaalinta xuquuqda ardayda, iyadoo la raacayo siyaasadda ah in ardayda aan laga hor istaagin waxbarashada sababo la xiriira daahitaan.
“Waxaan mamnuucnay in ardayda ka soo daahda goobaha waxbarashada ciqaab ahaan albaabka looga xiro,” ayuu yiri agaasimuhu.


