JIGJIGA, 1 Oktoobar 2026 – Kal-fadhiga 1-aad ee Golaha 7-aad ee Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa Mubashir Dubad Raage u doortay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada, halka Marwo Inj. Xanaan Cabdo loo doortay Afhayeen Ku-xigeenka.
Mubashir Dubad Raage oo loo doortay xilka afhayeenka ayaa horey uga soo shaqeeyay xukuumadda DDS, isagoo soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee dowlad deegaanka. Wuxuu xilka ka beddelay Marwo Ayaan Cabdi Maxamed, oo ahayd afhayeenkii golihii hore, iyada oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee taariikhda golaha DDS loo doorto afhayeen.
Isla kal-fadhiga, golaha ayaa Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) mar kale u doortay Madaxweynaha DDS, halka Ibraahim Cismaan Faarax loo doortay Madaxweyne Ku-xigeen. Labaduba waa xubno ka tirsan Xisbiga Barwaaqada Soomaalida, iyaga oo horay usoo haayay xillkaan.