New York (Dawan) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaadado ah si aqlabiyad leh u ansixiyay go’aan lagu kordhinayo muddo-xileedka Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) hal sano oo kale, kaas oo ku eg 31-ka Diseembar 2026.
Qaraarkan oo ay soo jeedisay Boqortooyada UK ayaa waxaa uu kalsooni ka helay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, waxaana sidoo kale lagu go’aamiyay in dhammaan hawlaha Howlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) la soo afjaro 31-ka Oktoobar 2026.
Ka dib codbixinta, ku-xigeenka ergayga UK ee Qaramada Midoobay, Archie Young, ayaa soo dhaweeyay ansixinta qaraarka, isaga oo sheegay in doorka AUSSOM uu yahay “mid lama huraan ah” si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.




