Muqdisho (Dawan ) –– Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in dhawaan la dhaarin doono xubnaha golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo la doortay 25-kii December 2025.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen ururrada siyaasadda dalka, isagoo xusay in sidoo kale ay dhowaan bilaaban doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dowlad-goboleedyada kale ee dalka.
Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in la dhaarin doono 390-ka xubnood ee golayaasha deegaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in waajibaadka guddigu ku egyahay dhaarinta xubnahaas, kaddibna ay si rasmi ah u bilaabi doonaan doorashada hoggaanka golayaasha.
“Shaqadayadu waa in aan hubinno in marka xubnaha la dhaariyo ay si sharci ah u guda galaan doorashada hoggaamiyeyaasha golayaasha,” ayuu yiri guddoomiyuhu.







