Muqdisho (Dawan) — Golaha Mustaqbalka Soomaaliya , oo ah isbahaysi mucaarad ah oo ay ku jiraan madaxweynayaasha hadda talada haya ee Jubaland iyo Puntland, ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ka dalbaday in Qaramada Midoobay ay qabato wada-hadallo siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana taageerto in heshiis kasta oo kasoo baxa wada-hadallada loo sameeyo dammaanad caalami ah.
Codsigan ayaa lagu xusay warqad ku taariikhaysan 11-ka Sebtembar oo uu saxiixay Xoghayaha Guud ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abubakar Xaaji, taas oo loo diray Qaramada Midoobay ka hor dib-u-eegista Golaha Ammaanka ee xaaladda Soomaaliya oo la qorsheeyay bisha Oktoobar. Xaaji ayaa Dawan Media u xaqiijiyey sax ahaanshaha warqadda.
Codsiga ugu weyn ee Golaha ayaa ah in Qaramada Midoobay ay qabato wada-hadal u dhexeeya dhinacyda Soomaalida oo loo dhan yahay, kaas oo looga arrinsanayo hannaanka kala-guurka iyo qaab-dhismeedka doorashooyinka, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay uga qaybqaataan si siman.
Goluhu waxa kale oo uu Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ka dalbaday inay taageeraan dhex-dhexaadiye iyo dammaanad-qaade caalami ah, oo leh hannaan cad oo lagu kormeerayo fulinta heshiis kasta iyo tallaabooyin laga qaadayo dhinaca aan fulin. Warqaddu waxay sheegtay in saddex dadaal oo wada-hadal oo caalami ahaan la fududeeyey sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ay fashilmeen.
Haddii la aqbalo, soo jeedimahan waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya siinayaan kaalin siman oo ku aaddan geeddi-socodka wada-xaajoodka, iyadoo sidoo kale la sameynayo door caalami ah oo lagu kormeero fulinta heshiis kasta oo la gaaro. Warqaddu si cad uma qeexayso nooca tallaabooyinka laga qaadi doono haddii heshiiska la fulin waayo, cidda qaadi doonta tallaabooyinkaas ama awoodda saxda ah ee uu yeelan doono dammaanad-qaadaha.
Shanta qodob ee kale ee warqadda ku xusan waxaa ka mid ah in Qaramada Midoobay ay farageliso oo ay amarto baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan dhacdadii 3-dii Sebtembar ka dhacday Doolow ee gobolka Gedo; in Golaha Ammaanka la gaarsiiyo warbixinno madax-bannaan oo ku saabsan xaaladda dalka; in la helo joogitaan caalami ah oo dhexdhexaad ah oo la socda geeddi-socodka doorashada Soomaaliya; iyo in hawlaha gargaarka bani’aadamnimo laga ilaaliyo khilaafka siyaasadeed.
Dhacdadii Doolow
Marka laga hadlayo dhacdadii Doolow, warqaddu waxay sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn uu burburiyey guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah sarkaal sare oo ay Golaha Mustaqbalka sheegtay in xilka looga qaaday sababo la xiriira mowqifkiisa siyaasadeed.
Dawan Media ayaa horay u werisay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beenisay in ay mas’uul ka ahayd dhacdada, iyadoo sheegtay in xog hordhac ah ay muujinaysay in gudaha guriga lagu diyaarinayey walxaha qarxa. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la dhisi doono guddi xaqiiqo-raadin ah, halka qoyska Jeneraal Mahad ay sheegeen inuu ka badbaaday dhacdada.