Muqdisho (Dawan)- Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa iska fogeeyay kulan Madaxweynayaashii 9aad iyo 7aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ay ku yeesheen Khamiistii guriga Shariif Sheekh Axmed, iyadoo xubno ka tirsan golaha ay sheegeen in kulankaasi uusan ahayn mid khuseeya Golaha.
Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka, oo ku kala sugan Muqdisho iyo Nairobi oo codsaday inaan magacyadooda la soo xigan, ayaa Dawan u sheegay in “kulankaas aysan ka warqabin oo uusan ahayn mid madasha quseeya”.
Sida ay Dawan u xaqiijiyeen ilo labada dhinac ku dhow, kulanka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay muddo ku dhow saddex saacadood.
Sida ilahaasi ay sheegeen, kulanka ayaa Shariif Sheekh Axmed uga codsaday Farmaajo in ay isku aragti ka noqdaan arrimaha doorashada, si madaxda Dowladda Federaalka cadaadis loogu saaro inay heshiis doorasho la galaan mucaaradka.