Muqdisho (Dawan)– Muddo dheer, ka maqnaanshaha fadhiyada Golaha Shacabka waxay ahayd arrin caadi ah oo aan cawaaqib lahayn. Hadda xaaladdu way is beddeshay. Guddoonka Golaha ayaa dariiq cusub u maray xallinta mushkilad muddo soo taagnayd, isagoo xildhibaanada maqan kala xisaabtamaya jeebkooda.
Toddobaadkan waxaa soo baxay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ka cabanaya lacag laga jaray mushaarkooda. Inta u dhaxaysa 8 ilaa 13 xildhibaan, oo bil gudaheed ka maqnaa toddoba kulan, ayaa midkiiba laga jaray in ka badan 1,000 dollar.
Xeer aan lagu dhaqmin mudd afar sano ah
Xeerkan ma aha mid cusub. Wuxuu ku qornaa xeer-hoosaadka golaha tan iyo dhammaadkii 2022, markaas oo golaha uu ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay Qodobka 23aad.
Hase yeeshee muddo ku dhow afar sano, si dhab ah looma dhaqan gelin. Ugu badnaan, magacyada xildhibaanada kulamada ka maqan ayaa mararka qaar la akhrin jiray si shacabka loo ogeysiiyo.
Sida xeerku u shaqeeya?
Golaha wuxuu toddobaadkii yeeshaa saddex kulan. Xeer-hoosaadku wuxuu dhigayaa:
Saddex jeer oo daahid ah waxaa loo xisaabinayaa hal maalin oo maqnaansho ah.
Saddex maalmood oo maqnaansho ah oo fasax la’aan ah, xildhibaanka waxaa loo dirayaa warqad digniin ah.