Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 14-aad ee Kalfadhiga 6-aad, iyaga oo akhrinta koowaad marsiiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, oo ay horgeysay Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha.
Wasiirka Wasaaradda, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulanka ka horjeedisay faahfaahin ku saabsan axdigan, waxayna tilmaantay in uu muhiim u yahay horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta qaaradda Afrika. Waxa ay xustay in axdigani yahay mid ay ansixiyeen 51 waddan oo ka tirsan Midowga Afrika, halka Soomaaliya weli aysan saxiixin.
Balse, akhrinta axdigan ayaa dhalisay dood adag oo dhex martay xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha Golaha ay si cad uga horyimaadeen qodobo gaar ah oo ay ku sheegeen inay "ka hor imaanayaan diinta Islaamka."
Xildhibaanada ayaa si gaar ah uga soo horjeeday Qodobka 9aad ee axdiga, faqradiisa 1aad, oo dhigayay in "ilma kasta uu xaq u leeyahay xorriyadda fikirka, damiirka iyo diinta." Tani ayaa dood weyn ka dhalisay, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegeen in qodobkani uu ka hor imaanayo diinta Islaamka.
Sidoo kale, Qodobka 2aad ee axdiga, oo qeexaya in "caruur" micnihiisu yahay qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 18 sano, ayaa sidoo kale muran badan ka dhaliyay xubnaha Golaha Shacabka.