Soomaaliya, 10 November 2025 — Golaha Shacabka Baaolmaaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo ka hortaga afduubka (Sharciga No. 36, markii ugu horreysay la dhaqan geliyey 30-kii Abriil 1975), kaasoo lagu xoojinayo awoodda dalka ee la dagaallanka dambiyada badda. Dhammaan 140-ka xildhibaan ee joogay maanta ayaa codkooda ku taageeray.
Burcad-badeedda Soomaaliya waxay ka dhalatay tobanaan sano oo xasilooni-darro, maamul daciif ah, iyo biyo aan la xakameyn. Waxay markii hore ka bilaabatay kalluumaysi sharci-darro ah oo ajnabi ah, iyadoo u gudubtay afduubka maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2011. Inkastoo dhacdooyinku hoos u dhaceen, burcad-badeedda ayaa weli ah khatar, taasoo ka dhigaysa dib-u-habaynta sharciga mid muhiim ah oo ku saabsan amniga badda.
Sharcigu wuxuu dhigaya:
• 5–20 sano oo xabsi ah burcad-badeedda,
• 10–20 sano oo xabsi ah afduubka,





