Soomaaliya, 2-da Febraayo 2026 (Dawan)– Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo shaqaaqadii maanta ka dhacday gudaha xarunta Baarlamaanka, kaddib eedeyn loo jeediyay Ciidamada Ilaalada Baarlamaanka oo la xiriirta dhaawac loo geystay Xildhibaanad Cadar Xareed, oo ka tirsan Golaha Shacabka.
Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan dhameystiran oo ku saabsan dhacdadaasi, isaga oo xusay in haddii askari lagu helo inuu falkaas geystay, isla markaana uu weli shaqada ku sii jiro, ay taasi noqon doonto mas’uuliyad-darro saaran Golaha. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xildhibaanada la garab istaagi doono haddii waxyeello loo geysto.
“Waxaan sameyneynaa baaritaan sax ah, haddii lagu caddeeyo askari inuu xildhibaan waxyeello u geystay, isla markaana uu weli shaqada ku sii jiro, taasi waa arrin mas’uuliyad-darro nagu ah,” ayuu yiri Habdhowre Nuux.







