Muqdisho (Dawan)- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay laba xubnood oo cusub oo ka mid noqonaya Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah; Yaasin Maxamed Maxamuud iyo Cabdiqaadir Cali Macallim
Labadan xubnood ayaa buuxinaya laba kursi oo ka bannaanaaday guddiga, kaddib markii ay xubinnimadooda ka tageen Maxamed Xasan Idiris iyo Axmed Maxamuud Jaamac.
Xubnaha cusub waxaa Golaha Shacabka horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud. Wasiirka ayaa sheegay in buuxinta labada boos ay muhiim u tahay sii wadidda howlaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.