Hargeysa (Dawan)– Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Isniintii ansixiyey Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed, kaddib markii Xildhibaanadu u ay ka doodeen qodobbadiisa iyo muhiimadda uu u leeyahay hawlaha diblomaasiyadda. Xeerka ayaa lagu meel mariyey fadhigii sagaalaad ee kalfadhiga 15-aad ee Golaha Wakiillada, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Siciid Mire Faarax.
Intii ay dooddu socotay, xeerka waxaa lagu daray qodobbada 10-aad, 11-aad, 12-aad, 13-aad, 14-aad, 15-aad, 33-aad, 38-aad iyo 43-aad. Wax-ka-beddel ayaa sidoo kale lagu sameeyey qodobbo kale, oo ay ka mid yihiin qodobka 1-aad ee magaca xeerka, qodobka 2-aad ee erey-bixinta, qodobka 3-aad ee mabaadi’da iyo qodobka 4-aad ee ujeeddada xeerka.
Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 30 xildhibaan ay taageereen xeerka, hal xildhibaan uu diiday, halka siddeed kalena ay ka aamuseen. Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sidaas ku dhawaaqay in xeerku ansax yahay.