Soomaaliya, 29 Oktoobar 2025 — Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ansixiyay Xeerka Kalluumeysiga, kaasoo noqday xeerkii todobaad ee ay ansixiso xukuumadda Cirro tan iyo markii ay xilka qabatay. Go’aankan ayaa lagu gaaray fadhigii 39-aad ee golaha wasiirrada, oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), laguna qabtay Qasriga Madaxtooyada Taladadii.
Xeerkan cusub waxaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo nidaamka kalluumeysiga Somaliland, lagu ilaaliyo khayraadka badda, isla markaana lagu xoojiyo maamulka dhaqaalaha buluuga (blue economy). Waxa uu bedelayaa xeerkii hore ee 2018, isagoo ka tarjumaya xaaladaha cusub, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo ilaalinta deegaanka badda.
Markii la codeynayay, 37 xubnood oo ka mid ah 39-ka wasiir ee fadhiga joogay ayaa xeerka taageeray, hal wasiir aya diiday, midna ka aamusay. “Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ee joogay ayaa codka la saaray. 37 ayaa taageeray, hal ayaa diiday, midna wuu ka aamusay, sidaas ayaana xeerku u ansaxay,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.







