Muqdisho (Dawan) — Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay maanta oo Khamiis ah guddi sagaal xubnood ka kooban oo loo magacaabay Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka, sida ay xukuumdda sheegtay, iyadoo Soomaaliya ay doonayso inay horumariso waaxda kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.
Guddiga ayaa la ansixiyay kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, intii lagu guda jiray kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Go’aanka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay doonayso inay kordhiso kaalinta dhaqaale ee kalluumaysiga, oo leh fursado ballaaran balse weli si xaddidan looga faa’iidaysto, inkastoo dalka uu leeyahay xeeb dheer iyo kheyraad badeed oo fara badan.
Soomaaliya ayaa sannadkii 2024 diiwaangelisay kalluun dhan 76,026 tan, taas oo 30% ka badan wax-soo-saarkii sannadkii ka horreeyay, sida ku cad xog ay Soomaaliya u gudbisay Guddiga Tuna-da Badweynta Hindiya. Kalluunka Yellowfin Tuna ayaa ka koobnaa 18,635 tan.
Waaxda kalluumaysigu waxay taageertaa ku dhowaad 30,000 shaqo oo waqti-buuxa ah iyo 60,000 shaqo oo waqti-dhiman ah, halka qiyaastii 500,000 oo qof ay ku lug leeyihiin hawlo la xiriira sida farsamaynta kalluunka, qaybinta iyo dayactirka qalabka, sida uu sheegay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.