Muqdisho, 23 Oktoobar 2025 (Dawan Africa) — Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay kala-sarrayn maamul oo cusub oo lagu sameeyay degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo sagaal (9) degmo loo aqoonsaday Heer A, halka toddoba (7) kalena loo aqoonsaday Heer B, taasoo qayb ka ah diyaarinta doorashooyinka deegaanka ee soo socda.
Go’aankan oo ay soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa lagu sheegay in kala-soocidda lagu saleeyay sharciga doorashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka degmooyinka gobolka Banaadir.
Sida lagu caddeeyay qorshaha la ansixiyay, degmooyinka Heerka A waxaa ka mid ah: Hodan, Yaaqshiid, Deyniile, Karaan, Dharkenley, Wadajir, Warta Nabadda, Heliwaa, iyo Howlwadaag.
Degmooyinka Heerka B ayaa kala ah: Waaberi, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Xamar Weyne, Cabdicasiis, iyo Shangaani.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu Axaddii lasoo dhaafay shaaciyay liiska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir, oo tiradooda lagu sheegay 923,220 qof oo ku kala nool 16 degmo ee magaalada Muqdisho. Guddigu wuxuu sheegay in doorashada golayaasha deegaanka ee Muqdisho la qorsheeyay in ay dhacdo 30-ka Nofeembar 2025.
