MUQDISHO (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiisyo caalami ah oo ku saabsan badqabka badda iyo waxyeellada wasakhowga saliidda, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo amniga maraakiibta, ilaalinta deegaanka xeebaha iyo la jaanqaadka heerarka caalamiga ah.
Golaha ayaa meelmariyay Heshiiska 2005 ee ka hortagga falalka sharci-darrada ah ee ka dhanka ah badqabka socdaalka badda (SUA) iyo Heshiiska Borotokoolka 1992 ee mas’uuliyadda madaniga ah ee waxyeellada wasakhowga saliidda, intii uu socday kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in heshiisyadan ay xoojinayaan maareynta arrimaha badda isla markaana ay taageerayaan dadaallada dib loogu dhisayo waaxda badda ee dalka.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in heshiisyadani ay yihiin tallaabo muhiim ah.
“Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo badqabka badda, ilaalinta deegaanka, iyo sare u qaadista sumcadda Soomaaliya ee caalamka,” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay baraha bulshada.
Sida ay wasaaraddu sheegtay, Heshiiska SUA ayaa la filayaa inuu kordhiyo amniga maraakiibta iyo rakaabka, yareeyo khataraha burcad-badeedda iyo dambiyada badda, isla markaana xoojiyo awoodda sharci ee lagu qaadi karo tallaabo ka dhan ah falalka ka dhaca badda. Waxa kale oo ay sheegtay inuu fududeynayaa iskaashiga caalamiga ah ee baarista, qabashada iyo maxkamadaynta dambiyada.


