Muqdisho (Dawan) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey qaraar lagu faahfaahinayo hannaanka geeddi-socodka dhaqangelinta dastuurka dalka, kaas oo dhigaya in la sameeyo qorshe mideysan, la dhiso guddiyo heer wasiir iyo farsamo ah, lana diyaariyo hindise-xeerar lagu waafajinayo hay'adaha dowladda qodobbada dastuurka. Qaraarka oo ku taariikhaysan 13-ka Oktoobar 2026 ayaa lagu sheegay in dhaqangelinta dastuurku ay u baahan tahay qorshe mideysan, isku-duwid iyo wada-shaqayn joogto ah, si qodobbadiisa loogu fuliyo hab isku xiran, iyadoo la tixgelinayo saameynta sharciyeed, hay'adeed iyo maamul.
Golaha Wasiirrada ayaa go'aamiyey in la meel mariyo hannaanka geeddi-socodka dhaqangelinta dastuurka, si looga fogaado firaaq dastuuri ah, loona helo hannaan mideysan oo lagu hago qorshaha dhaqangelinta.
Qaraarka ayaa sidoo kale lagu magacaabay guddi heer wasiir ah iyo guddi heer farsamo, kuwaas oo loo xilsaaray dardargelinta, isku-dubbaridka, jadwaleynta iyo la socodka hawlaha mudnaanta leh ee la xiriira dhaqangelinta dastuurka.