Muqdisho (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Khamiistii cambaareeyay weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar 9-kii Sebteembar 2025. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Qatar, weerarku wuxuu ka dhacay caasimadda Doha, halkaas oo madax sare oo Xamaas ah ay ku kulamayeen.
Bayaanka kasoo baxay Golaha Wasiirrada kadib kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, isla markaana ay diiddan tahay fal kasta oo ka hor imaanaya xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.
“Soomaaliya si xooggan ayay u cambaareyneysaa weerarka Israa’iil ay ku qaaday Qatar, gaar ahaan magaalada Doha,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa horay u cambaareysay weerarka.
Kulanka Golaha Wasiirrada waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Waxaa qoray Dawan Desk - Reporter
Maqaallo la xidhiidha
Maqaallo La Xidhiidha
Maxay Dowladdu la tagtay wadahalladii mucaaradka ee Xalane?
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Soomaaliya oo bilowday kormeerka ilaalinta xogta ee Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ah
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →
Sidee Soomaaliya uga falcelisay qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus?
May 20, 2026
Warar
Akhri dheeraad →


