Muqdisho (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Khamiistii cambaareeyay weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar 9-kii Sebteembar 2025. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Qatar, weerarku wuxuu ka dhacay caasimadda Doha, halkaas oo madax sare oo Xamaas ah ay ku kulamayeen.Bayaanka kasoo baxay Golaha Wasiirrada kadib kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, isla markaana ay diiddan tahay fal kasta oo ka hor imaanaya xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.“Soomaaliya si xooggan ayay u cambaareyneysaa weerarka Israa’iil ay ku qaaday Qatar, gaar ahaan magaalada Doha,” ayaa lagu yiri bayaanka.Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa horay u cambaareysay weerarka.Kulanka Golaha Wasiirrada waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Maqaallo La Xidhiidha

Soomaaliya oo ku boorrisay Somaliland inay wax ka qabato cabashooyinka dadka Boorama
Dec 6, 2025
Warar
Akhri dheeraad →

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya Madasha Dooxa
Dec 6, 2025
Warar
Akhri dheeraad →

Somaliland oo Dowladda Soomaaliya Ku Eedeysay Hurinta Rabshadaha Ka Socda Boorama.
Dec 6, 2025
Warar
Akhri dheeraad →





