Muqdisho (Dawan )– Doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la qaban doonaa Ciidda Carafo kadib, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC), Cabdikariin Axmed Xasan, xilli tababar loo furay xubnaha cusub ee golayaasha deegaanka ee gobolka.
Cabdikariin ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu daahfurayay tababar loo qabanayo xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir maanta oo Sabti ah.
Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galaya 102 xubnood oo ka tirsan golayaasha deegaanka ee degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Heliwaa iyo Shibis, sida uu sheegay guddigu.
Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in xubnaha la bari doono xeerarka iyo habraacyada ay ku shaqeyn doonaan, kuwaas oo ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya.
“Waxa la idinku tababari doonaa xeerarkii aad ku shaqeyn lahaydeen ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada. Marka tababarku dhammaado, waxaad si rasmi ah u guda geli doontaan shaqadii aad shanta sano ee soo socota qaban lahaydeen,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed Xasan.


