Dhuusamareeb (Dawan ) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta oo Khamiist ah sheegay in natiijada doorashooyinka tooska ah ee ka dhacay Dowlad-goboleedka Galmudug la filayo in lagu dhawaaqo 24 illaa 48 saac gudahood, iyadoo tirinta codadku ay si rasmi ah u bilaabatay kadib markii codbixintu inta badan ku soo idlaatay si nabdoon.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in goobaha codbixinta intooda badan la xiray waqtigii loogu talagalay, halka tiro yar oo goobaha ka mid ah loo oggolaaday inay sii furnaadaan si ay codkooda u dhiibtaan dadka safafka ugu jiray xilligii rasmiga ahaa ee xiritaanka.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in marka tirinta codadka lagu soo gabagabeeyo goob kasta, natiijada lagu dhajin doono isla goobtaas, ka hor inta aan la isu geyn natiijooyinka guud ee doorashada.
Wuxuu sheegay in geeddi-socodka codbixintu uu guud ahaan u dhacay si nabdoon, hufan, nidaamsan, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo habraacyada doorashada. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay codbixiyeyaasha, ciidamada amniga, shaqaalaha doorashada, kormeerayaasha, ururrada siyaasadda, bulshada rayidka iyo warbaahinta doorkii ay ka qaateen qabsoomidda doorashada.