Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida, 15-ka Agoosto, ku dhawaaqaysa natiijada imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shir wadatashi qaran oo ku saabsan arrimaha waxbarashada oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay Soomaaliya.
Wadar ahaan 44,136 arday ayaa u fariistay imtixaanka qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, kaas oo lagu qabtay 58 degmo iyo 158 xarumood oo imtixaan, sida ay muujinayaan tirooyinkii la shaaciyay xilligii imtixaanka.
Tirada ardayda sannadkan u fariisatay imtixaanka ayaa ka badan 5,000 arday marka loo eego sannad-dugsiyeedkii hore, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada.
Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa si cad u sheegay in natiijada imtixaanka la shaacin doono Sabtida, 15-ka Agoosto.
Wasiirku wuxuu sheegay in nidaamka waxbarashada Soomaaliya uu horumar sameeyay sannadihii u dambeeyay, iyadoo dowladda ay dhistay dugsiyo dowladeed, nidaam waxbarasho oo qaran, manhaj dowladeed iyo imtixaanno ay dowladdu maamusho.
Wuxuu sheegay in waaxda waxbarashadu ay gaartay heer loo baahan yahay in xoogga la saaro isla-xisaabtanka, fulinta qorshayaasha iyo tayada waxbarashada.