Muqdisho (Dawan) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa markale ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu qaban doono bannaanbaxyo marka ay dhammaato munaasabadda Ciidda, iyagoo sheegay in isu-soo-baxyadaasi ay si gaar ah u quseeyaan muranka ka taagan arrimaha dhulalka iyo waxa ay ku tilmaameen barakicinta dadka.
Siyaasiyiinta mucaaradka oo shir jaraa’id wadajir ah ku qabtay Muqdisho shalay, ayaa sheegay in bannaanbaxa xiga uu qabsoomi doono 4-ta bisha June, kadib maalmaha Ciidda, islamarkaana uu noqon doono mid ay shacabka ku cabirayaan aragtidooda.
Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in mudaharaadyada ay qorsheynayaan ay yihiin kuwo nabadeed isla markaana waafaqsan dastuurka dalka.
“Mudaharaadyadii sida nabadda ah aan ku cabireynay dareenkeenna way sii socon doonaan, waxaana 4-ta June, Ciidda kadib, la qaban doonaa bannaanbaxii xigay. Waad la socotaan kii 10-kii May oo jid iyo qori laga dhigay, markii lana dhex-galayna la diiday,” ayuu yiri, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame..
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay hor istaagtay bannaanbaxyadii hore, iyagoo ku andacoonaya in magaalada laga dhigay meel amni ahaan si adag loo xakameeyay, taas oo sababtay in isu-soo-baxyadii la qorsheeyay aysan u dhicin sidii loogu talagalay.


