Muqdisho (Dawan) – Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka la qaban doono Isniinta, 10-ka Agoosto 2026, kaddib kulan uu guddigu ku yeeshay maanta oo Isniin ah xarunta Villa Hargeysa.
Kulankaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee guddiga, ayaa lagu doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed inuu noqdo guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada.
Guddigu wuxuu sidoo kale ansixiyay jadwalka doorashada iyo shuruudaha laga doonayo musharrixiinta doonaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sida go'aanka guddigu dhigayo, musharrax kasta oo u tartamaya xilka waxaa laga doonayaa $30,000 oo ah lacag diiwaangelin aan dib loo celin doonin, taas oo lagu shubayo xisaabta Golaha Shacabka ku leeyahay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Haweenka u tartamaya xilka ayaa laga qaadi doonaa $15,000, taas oo u dhiganta kala bar lacagta laga qaadayo musharrixiinta kale.