Muqdisho (Dawan) — Agaasinka Dakhliga Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo wadajir ah oo ka shaqeeya xalinta tabashooyinka iyo caqabadaha ay ganacsatadu la kulmaan, sida uu sheegay Agaasinka Dakhliga.
Go'aankan ayaa yimid kadib kulan ay sabtidii yeesheen Agaasimaha Guud ee Dakhliga Faysal Maxamed Xaashi, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Yaasiin Maxamuud Cibaar iyo qaar ka mid ah ganacsatada.
Agaasinka Dakhliga Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ay ganacsatadu la kulmaan. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-tashiga, wacyigelinta iyo adeegyada cashuur-bixiyeyaasha, iyadoo la dhisayo guddi farsamo oo wadajir ah si loo dardargeliyo xalinta tabashooyinka iyo caqabadaha jira.
Rugta Ganacsiga ayaa sheegtay in kulanka ay ku gudbisay cabashooyinka iyo walaacyada ganacsatada, gaar ahaan arrimaha la xiriira xiritaanka qayb ka mid ah bakhaarada ganacsatada iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelanayso hawlahooda ganacsi.