Muqdisho (Dawan) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u guda galay hannaanka doorashada Guddoomiyaha cusub, kaddib markii Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ay magacawday guddiga qabanqaabinaya doorashada.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ayaa lagu magacaabay sagaal xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo loo xilsaaray maamulka iyo habsami-u-socodka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Xubnaha guddiga ayaa kala ah:
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed
Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan)
Xildhibaan Jawaahir Aadawe Cabdi
Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali (Cabdalla)
Xildhibaan Nuur Axmed Diriye