Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa sheegay caawa in guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku jiraan xaalad xil-gaarsiin ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu guddigu soo saaray.
Guddiga ayaa xusay in golayaasha degmooyinka, oo lagu soo doortay doorashadii 25-ka December 2025 isla markaana la dhaariyay 2-da April 2026, ay yihiin golayaasha rasmiga ah ee maamullada degmooyinka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga doorashooyinka.
Sida bayaanka lagu sheegay, waxa weli dhiman in golayaashu iska dhex doortaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ku-xigeennadooda si ay ula wareegaan xilalka fulinta.


