Muqdisho (Dawan Africa) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kordhiyay dadaallada lagu diyaarinayo codbixinta dadweynaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo gaarsiiyay agabka doorashooyinka degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod ah, iyadoo agabka doorashooyinka la geeyay degmooyinka Baraawe ee Shabeellaha Hoose iyo Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay si rasmi ah ula wareegeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo wakiillo ka socda guddiga.
Mas’uuliyiinta degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegay in gaarsiinta agabka doorashada ay tahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa kalsoonida shacabka iyo ka qeybgalka nidaamka dimuqraadiyadda, iyagoo uga mahadceliyay guddiga doorashooyinka iyo dowladda Federaalka dadaallada ay wadaan.
Sidoo kale, agabka ayaa lagu gaarsiiyay qaar ka mid ah deegaanada iyadoo la adeegsaday duulimaadyo, taasoo muujineysa caqabadaha jira iyo sida ay hay’adaha dowladda uga go’an tahay in la gaarsiiyo dhammaan goobaha la qorsheeyay.


