Muqdisho (Dawan) — Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa kulan xog-is-weydaarsi ah la yeeshay xubno ka tirsan beesha caalamka, iyadoo diiradda lagu saaray geeddi-socodka doorashooyinka iyo qorshayaasha lagu sii ambaqaadayo nidaamka qof iyo cod.
Kulanka waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, waxaana ka qeyb galay xubno ka tirsan guddiga, oo ay ku jiraan Komishanarrada Cabdi Cadow iyo Maxamed Amiin Xasan, iyo Xoghayaha Guud Xuseen Nuunow Cali.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay safiirrada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Türkiye, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Guddoomiyaha guddiga ayaa ka warbixiyay shaqadii u qabsoontay hay’adda, gaar ahaan doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee ka dhacay Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
“Geeddi-socodka doorashada qof iyo cod si wanaagsan ayuu dalka uga hirgalay,” ayuu sheegay Guddoomiyaha guddiga, isaga oo tilmaamay in doorashooyinka ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka shacabka.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay doorashooyinka isku sidkan ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan Hirshabeelle.