MUQDISHO, Abriil 5 (Dawan) – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magacaawday Cabdiraxman Abubakar Maxamed inuu noqdo madaxa Xafiiska Doorashooyinka Koonfur Galbeed xalay oo Sabti ah, kadib markii madaxa xafiiska doorashooyinka ee hore la hakiyay shalay.
Go’aankan ayaa yimid xilli doorashooyinka Koonfur Galbeed ay qorsheysan yihiin inay dhacaan bishaan, sida uu horay u sheegay guddiga doorashooyinka qaranka ee Soomaaliya. Maxamed ayaa loo xil saaray inuu hagayo hawlaha doorashada ee xafiiska Koonfur Galbeed, isagoo hubinaya in geeddi-socodka doorashada uu waafaqsanyahay xeerarka dalka.


