Jowhar (Dawan) — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, taas oo ka dhacday 10 degmo, waxaana ku tartamay 13 urur siyaasadeed, iyadoo 99 kursi loo tartamay, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashada Golaha Wakiillada ay ka qeyb galeen 114,633 qof, kuwaas oo 112,451 cod loo aqoonsaday kuwo ansax ah, halka 2,182 cod ay noqdeen kuwo aan ansax ahayn.
Ururka Caddaaladda iyo Wadajir ayaa helay codadka ugu badan, oo gaaraya 88,300 cod, wuxuuna ku guuleystay 78 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
Ururka Karaama ayaa helay 6,875 cod iyo 6 kursi, halka Iftin Qaran uu helay 6,165 cod iyo 5 kursi.
SINCAD ayaa helay 3,701 cod iyo 3 kursi, halka Dimoqraadiga Soomaaliyeed uu helay 2,368 cod iyo 2 kursi.
Ururka RAMAAS ayaa helay 1,939 cod iyo 2 kursi, halka Caddaaladda iyo Midnimada (TIIR), MADALSAN iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay midkiiba heleen hal kursi.