Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si kulul u cambaareeyay dilalka dadka rayidka ah ee ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Guddiga ayaa falalkaasi ku tilmaamay kuwo si weyn u dhaawacaya xuquuqda aadanaha, isla markaana sii hurinaya xaaladda amni ee dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, lagu dilay weerar ka dhacay Ari-Caddeeye, halka ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen rabshado ka dhacay Jalalaqsi, kuwaas oo sidoo kale lagu gubay guryo ay lahaayeen dad rayid ah.
Guddiga ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan beegsiga dadka rayidka ah, burburinta hantida, barakaca qoysaska iyo saameynta bani’aadannimo ee ka dhalatay rabshadaha, isagoo sheegay in falalkaasi u baahan yihiin in si degdeg ah wax looga qabto.