Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Axmed Khadar Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in inta badan lacagta Shilinka Soomaaliga ee maanta suuqa ku jirta la daabacay kaddib burburkii dowladdii dhexe, xilli uu ka hadlayay saameynta ay arrintan ku leedahay xasilloonida dhaqaalaha dalka.
Axmed Khadar Cabdi Jaamac ayaa xusay in tan iyo burburkii dowladdii dhexe aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood buuxda u leh dalka oo si nidaamsan u daabacday lacagta, taasoo keentay in lacago kala duwan oo aan si rasmi ah loo maamulin ay suuqa soo galaan.
“Inta badan lacagta Shilinka Soomaaliga ee hadda la isticmaalayo waa mid la daabacay xilligii burburka kadib, mana jirto dowlad mideysan oo si rasmi ah u maamusha soo saarista lacagta,” ayuu yiri.
Wuxuu tilmaamay in xaaladdan ay si toos ah u saameyn karto kalsoonida lagu qabo lacagta gudaha, iyadoo sare u qaadaysa ku tiirsanaanta lacagaha qalaad sida doolarka Mareykanka iyo adeegyada lacagaha dijitaalka ah.


