Tanzania (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudnaan siinayso wada-hadalka siyaasadeed, xoojinta hay’adaha iyo ka-qaybgalka shacabka, xilli uu ka hadlayay shir caalami ah oo ka socda Tanzania.
Cabdulqaadir Jaamac ayaa hadalka ka jeediyay Talaadadii Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU) ee magaalada Arusha, halkaas oo ay isugu yimaadeen madax iyo wakiillo ka socda baarlamaannada dalal kala duwan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso dhismaha Baarlamaan madax-bannaan, hufan oo loo dhan yahay, isla markaana shacabka u dhow, kaas oo door ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Wuxuu sheegay in xoojinta hay’adaha, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka ay muhiim u yihiin geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya. Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka ay qayb ka yihiin doodaha siyaasadeed ee Soomaaliya.