Addis Ababa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa, taas oo u horseedaysa muddo-xileed cusub oo shan sano ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Itoobiya ay meel gaar ah kaga jirto qaaradda Afrika, maadaama ay martigeliso xarunta Midowga Afrika, isla markaana ay tahay xarun muhiim u ah diblomaasiyadda qaaradda.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in wada-shaqeynta dhow ee kala dhexeysa Midowga Afrika iyo dowladda Abiy Axmed ay sii socoto, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo is-dhexgalka Afrika, nabadda, amniga iyo horumarka.