Soomaaliya, 6 Febraayo 2026 ( Dawan)– Xafiiska warbaahinta ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Jimce ah sheegay in guri ku kacay $295,000, oo lagu sharfayo madaxweynihii hore in xarigga laga jaray, kaas oo ku yaalla deegaanka Ceeljaalle ee magaalada Marka, gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida uu xafiisku sheegay, gurigan oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” ayaa lagu maalgeliyay olole guud oo lacag ururin ah, kaas oo ay ka qaybgaleen dadweyne Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa.
Dhismaha guriga ayaa billowday 21-kii Luulyo 2023, iyadoo kharashka guud lagu sheegay $295,000, halka lacagta la ururiyay ay gaartay $300,000.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in ujeeddada mashruucan ay tahay in lagu aqoonsado hoggaamintii Farmaajo, lana muujiyo kaalintii uu ka qaatay dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo dadaallada dowladeed ee laga hirgeliyay deegaanno horay ay u saameeyeen dagaaalka kooxda Al-Shabaab.







