Muqdisho, (Dawan ) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay liiska kama-dambaysta ah ee 250 dumar ah oo ku guuleystay deeqda waxbarasho ee heerka Master’s-ka ee mashruuca Rajo Kaaba, taas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo waxbarashada haweenka iyo horumarinta bulshada dalka.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay munaasabaddii lagu shaacinayay liiska kama-dambaysta ah ee ardayda ku guuleystay deeqdan.
Deeqdan, oo ay heleen 250 dumar ah ayaa lagu baran doonaa 11 takhasus oo kala duwan, kuwaas oo la jaanqaadaya mudnaanta horumarineed ee dalka, sida waxbarashada, caafimaadka, maamulka, iyo xirfado kale oo muhiim u ah dib-u-dhiska Soomaaliya.
Waxbarashada waxaa bixin doonta Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, halka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay martigelin doonto barnaamijka gudaha dalka, iyadoo mashruuca uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.


