Jabuuti (Dawan) – Dalka Jabuuti waxaa lagu qabtay xaflad lagu abaalmarinayo ardayda ku guuleystay Tartanka Qaran ee Xisaabta, iyadoo la guddoonsiiyay abaalmarinno lacageed iyo koobab si loo dhiirrigeliyo waxbarashada sayniska, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Xafladda ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Kulliyadda Injineeriyadda ee Jaamacadda Jabuuti, waxaana soo qabanqaabiyay hay’adda ADAM-MATH iyada oo kaashanaysa LAMO, kana hoos shaqeysa Wasaaradda Waxbarashada Sare iyo Cilmi-baarista iyo Wasaaradda Waxbarashada Qaranka iyo Tababarka Xirfadaha, sida ay sheegtay ADI.
Mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Sare iyo Cilmi-baarista, Nabiil Maxamed; Wasiirka Miisaaniyadda, Ismaan Ibraahim Rooble; iyo Wasiirka Waxbarashada Qaranka, Mustafa Maxamed Maxamuud ayaa ka qeyb galay xafladda, iyadoo sidoo kale goob joog ka ahaayeen madaxda Jaamacadda Jabuuti iyo masuuliyiin kale.
Intii ay socotay xafladda, ardayda ugu sarreysa waxaa lagu abaalmariyay lacago kala duwan oo ay bixisay Salaam African Bank, iyadoo ku guuleystaha heerka ugu sarreeya (Niveau 5) uu helay 1,500,000 franc Djibouti (qiyaastii $8,475 USD).
Heerarka kale waxaa la guddoonsiiyay:
