Ceeldheer (Dawan) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tahay “xisbi” dalka kula loolamaya Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), xilli uu khudbad ka jeedinayay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, Isniintii.
Fiqi ayaa sheegay in labada dhinac ee sida tooska ah ugu loolamaya masiirka dalka ay kala yihiin Al-Shabaab, oo uu ugu yeeray “xisbi”, iyo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo ah xisbiga talada haya.
“Laba xisbi oo isku haya dalkaan waa xisbiga Al-Shabaab iyo xisbiga JSP. Inta kale rooti waaye,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo hadalkan ka jeediyay deegaanka Hul-Caduur oo hoostaga degmada Ceeldheer.