Masar, 30 September 2025 – Maamulka Dekedaha iyo Aagga Xorta ah ee Jabuuti (DPFZA) ayaa sheegay in 22 haween Jabuutiyaan ah oo saraakiil badeed ah ay Isniintii ka qalin-jabiyeen Masar, kuwaas oo loo aqoonsaday dufcaddii-kii ugu horreeyay ee haween ah ee dalkaasi soo mara tababarka xirfadaha badda.
Sida uu sheegay maamulka, kooxdaasi oo ka koobnayd 18 saraakiil “maamulka markabka baratay ” iyo 4 injineerro badeed ayaa qayb ka noqotay dufcad ka kooban 397 arday oo dalal kala duwan ka kala socday, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Masar, Sacuudiga, Ciraaq, Kuwait, Giriigga, Bangladesh, Suuriya iyo Lubnaan.






