Muqdisho (Dawan) — Haweenka Soomaaliyeed ayaa sii xoojinaya doorkooda ganacsiga, iyadoo Muqdisho lagu daahfuray Bandhigga Ganacsiga iyo Maalgashiga Haweenka Gobolka Banaadir, oo diiradda lagu saarayo kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee ay haweenku leeyihiin.
Bandhigga waxaa ka qeybgalay ganacsato, masuuliyiin dowladeed iyo qaar ka mid ah bangiyada dalka, iyadoo lagu soo bandhigay wax-soo-saarka iyo adeegyada ay bixiyaan ganacsiyada ay haweenku hoggaamiyaan.
Barnaamijkan waxaa maalgelinaya Midowga Yurub, waxaana fulinaya Hay’adda ADRA, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay khuseyso.
Halkudhigga bandhigga ayaa ah “Awoodsiin loo marayo Maalgashi”, iyadoo ujeeddadu tahay in haweenka ganacsatada ah loo abuuro fursado dheeraad ah oo ay ku helaan maalgelin, suuqyo iyo isku-xir ganacsi.
Agaasimaha Xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, Ismaaciil Cabdalla, ayaa sheegay in haweenku ay aasaaseen ku dhawaad 45 boqolkiiba ganacsiyada rasmiga ah ee laga aasaasay Muqdisho.