Muqdisho, 25 October 2025 — Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) ayaa dirtay 3,000 oo jawaan oo raashin ah oo loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay Awdheegle, Sabiid, Bariire iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay muuqaal ay hay’addu baahisay Jimcihii, gargaarkan oo ka baxay xarunta dhexe ee bakhaarrada SoDMA ee magaalada Muqdisho, ayaa loo diray gobolka iyadoo la adeegsanayo shan gaari oo xamuul ah, mid walbana sido 600 oo jawaan oo raashin ah, sida ay sheegtay Sahra Cali Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Gargaarka ee SoDMA.
“Waxaan rabnaa in raashinkan sidii loogu talagalay dadka loo gaarsiiyo, qof qofna loo gaarsiiyo,” ayay tiri Sahra Cali Yuusuf.
Hay’aadda ma shaacin nuuca raashinka uu isugu jiro iyo qoysasaka loogu tala galay tiradooda.
Raashinkan ayaa lagu wareejiyay Siciid Cadceed, Isu-duwaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo goobta kala wareegay hay’adda.
“Waxaan maanta joogaa xarunta dhexe ee bakhaarrada hay’adda SoDMA. Waxaan kala wareegaynaa raashinkan shanta gaari ee wada 3,000 oo jawaan oo raashin ah. Raashinkan waxaa loo qorsheeyay in lagu gaarsiiyo deegaannada Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose — kuwaas oo dhawaan la xoreeyay,” ayuu yiri Siciid Cadceed.
SoDMA ayaa sheegtay in gargaarkan uu qeyb ka yahay dadaallada gurmadka degdegga ah ee lagu taageerayo bulshada ay saameeyeen dagaallada iyo barakaca, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannadii ay dowladda dhawaan kala wareegtay Al-Shabaab.
Deegaannada raashinka loo diray ayaa dhammaantood ka mid ah meelihii ay ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika (ATMIS) dhawaan kala wareegeen Al-Shabaab, iyadoo Awdheegle ay ahayd tan ugu dambeysay oo ay dowladda la wareegtay 5-tii Oktoobar 2025.




