Balanbale (Dawan)- Maanta magaalada Balanbale waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka dhammaystirka heshiiska nabadeed ee beelaha dega degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Shirka waxaa lagu ballanqaaday dhismaha garoon diyaaradeed, garoon ciyaareed oo casri ah oo dhalinyarada loogu talagalay, saldhig booliis iyo isdhexgal bulsho.
Kulanka waxaa ka qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdiqaadir Cali, Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, iyo musharraxa JSP u taagan madaxweynaha Galmudug Liibaan Xassan Axmed. Waxaa sidoo kale goobta joogay odayaal dhaqameed iyo xildhibaanno ka kala yimid labada dhinac. Kulanka waxaa lagu saxiixay heshiis nabadeed oo 8 qodob ka kooban, kaas oo u dhexeeya labada beelood ee dega labada degmo. Heshiiska waxaa saxiixay Ugaas Maxamed Ugaas Keyse iyo Ugaas Xasan Ugaas Xasan.
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan lagu dabaqi doono qof kasta oo ka tirsan labada dhinac, uusanna ahayn mid u gaar ah labada reer oo keliya. Wuxuu ballanqaaday in la dhisi doono garoon diyaaradeed, inkastoo uu ka cudurdaartay inuu u qabto waqti cayiman. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday garoon ciyaareed oo dhalinyarada degmada Balanbale ay ku ciyaaraan.